
Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka Masar ee Mohamed Salah ayaa si baas loogu digtay kadib markii ay 4 xul isugu soo hadheen Semi-finalka tartanka koobka qaarada Africa ee ka socda dalka Masar.
Xulalka Tunisia, Senegal, Algeria iyo Nigeri ayaa isugu soo hadhay Semi-finalka koobka qaarada Africa halka xulka Masar 16-ka lagu reebay kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka qaranka South Africa.
Sawirka ayaa ah Mohamed Salah oo xidhan dharka shaqaalaha hudheelada laga cunteeyo halka 4 xiddig oo ka socda 4-ta xul ee isugu soo hadhay Finalka uu u adeegayo.
Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo dul taagan miiska ay xiddiguhu fadhiyaan ayaa Gacanta ku haya koobka qaarada Africa.
Xiddigaha sawirka ka soo muuqda ayaa ah Ferjani Sassi (Tunisia), Odion Ighalo (Nigeria), Sadio Mane (Senegal) Iyo Riyad Mahrez (Algeria).
Taageerayaasha xulka Masar ayaa weerar culus ku qaaday xiddiga Mohamed Salah kadib markii xulkooda laga reebay koobabka iyaga oo ku weeraray qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay tartanka.
Halkan Hoose Kaga Bogo Sawirka looga maadasady Mohamed Salah:

Waxa saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada la isla dhex marayay sawir loogu diganayo xiddiga Liverpool kadib markii uu xulka dalkiisu wareega 16-ka kaga hadhay koobka qaarada.