Man United Oo Ka Jawaabtay Dalab Lacag & Xiddig Ah Oo Ay Inter Milan Kaga Doonaysay Xiddiga Nemanja Matic.

Kooxda Man United ayaa ka jawaabtay dalab ay lacag iyo waliba xiddig ahaa oo ay kooxda Inter Milan ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Nemanja Matic.
Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United diiday dalab 10 Milyan ah iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Radja Nainggolan oo ay Inter Milan ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic sida ay sheegayaan wararku.
Radja Nainggolan ayaa ah xiddig ay kooxda Inter Milan doonayso in ay iska fasaxdo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababare Antonio Conte.
Antonio Conte oo tababare u ah kooxda Inter Milan ayaa doonaya saxiixa Matic kaas oo uu kula shaqeeyay kooxda chelsea.
Xiddiga iyo tababaraha ayaa ku wada guulaystay premier League xilli ciyaareedkii 2016/2017 waxana uu Conte doonayaa in uu dib ula midoobo xiddiga oo uu xagaagii 2017 ka iibiyay Man United.
Laakii Wargayska Daily Express ayaa sheegay in ay Man United diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin dalabka Inter Maadama uu Matic ka mid yahay qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer ee xilli ciyaareedka dambe.