Shax Sidee Ah Ayay Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub Ku Soo Gali Doonaan Xilli Ciyaareedkooda Cusub?

Suuqa kala iibsiga ayaa haatan furan muddo waxana ay kooxuhu ka shaqaynayaan sidii ay xiddigo cusub ula soo saxiixan lahaayeen wakhtigan taas oo la macno ah in ay haatanba xiddigo badan ku biireen kooxo cusub.
Wali waxa uu wakhti dheer ka hadhsan yahay xidhitaanka suuqa xagaaga iyada oo la hubo in ay kooxuhu samayn doonaan saxiixyo iyada oo ay xiddigo waaweyn iska badali doonaan maaliyada ay horay ugu ciyaari jireen.
Hadaba waxa aan halkan u soo bandhigi doonaa sida ay kooxaha reer yurub ku soo gali karaan xilli ciyaareedka cusub:
Zinedine Zidane ayay u hadhsan tahay shaqo kale ka hor inta uuna go,aansan shaxdiisa xilli ciyaareedka dambe iyada oo ay u taalo in uu marka hore go,aamiyo xiddigo mustaqbalkooda ka hor inta uuna u dhaqaaqin saxiixyo cusub oo ay ka mid tahay Paul Pogba laakiin sida haatan ay arimuhu tahay waxa uu Isticmaali karaa shaxda 4-4-2 ama 4-3-3

Kooxda Atletico Madrid ayaa mari doonta dib u dhiska ugu weyn La Liga kadib markii ay kooxda ka tageen xiddigaha Rodri Hernandez, Rodri, Diego Godin iyo Antoine Griezmann waxana ay ilaa haatan la soo saxiixdeen xiddigaha Felipe Monteiro, Marcos Llorente Iyo Joao Felxi kaas oo badalaya Griezmann.
Ernesto Valverde ayaa doonaya in uu sii haysto shaxdiisii xilli ciyaareedkii hore laakiin ku samayn doona kaliya 2 is badal kuwaas oo kala ah Frenkie de Jong & Griezmann waxa laga yaabaa in ay iska iibiyaan xiddigo uu ka mid yahay Philippe Coutinho laakiin waa hadii ay Helaan Neymar oo lala xiriirinayo kooxda.
Maurizio Sarri ayaa tababare u noqday kooxda waxana ay ilaa haatan Juventus la soo wareegtay xiddiaha ay ugu waaweyn yihiin Adrien Rabiot & Aaron Ramsey kuwaas oo xor ugu soo biiray waxana la filayaa ugu yaraan hal saxiix oo cusub ka hor inta uuna suuqu xidhmin.
Kooxda Man City ayaan samayn doonin saxiixyo waaweyn xagaagan laakiin Imaatinka Rodri ayaa noqon doona saxiixa ugu weyn ee uu sameeyo Pep Guardiola inkasta oo wali lala xiriirinayo xiddiga Joao Cancelo laakiin wali ma jirto wax dhaq-dhaqaaq cusub ah oo ay samaysay Citizen.
Sida Man City, Reds ayaan la filayn in ay si weyn u gasho suuqa iyada oo uu Klopp adeegsan doono xiddigaha haatan uu haysto iyo waliba xiddigaha dhaawaca uga soo kacay kooxda.
Kadib markii ay gaadheen Finalka champions League sanadkii hore, muhiimada Tottenham ayaa ah in ay sii haysato xiddigaha haatan jooga iyo waliba in ay xiddigo cusub ku soo darto kooxda iyaga oo haatanba la soo saxiixday Xiddiga khadka dhexe ee Tanguy Ndombele kaas oo ay rikoodhka suuqood u jabiyeen.
Kooxda Bayern Munich ayaa ilaa haatan ka mid ah kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa iyada oo la soo saxiixatay xiddigaha Lucas Hernandez, Benjamin Pavard waliba aad ugu dhaw xiddiga Marc Roca sidoo kale doonaysa xiddigaha Dembele iyo Leroy Sane si ay ugu badasho xiddigaha Arjen Robben & Franck Ribery.
Neymar ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda kuna Laabto Barcelona laakiin kooxda ayuu kaliya ilaa haatan ku soo biiray Hal xiddig kaas oo ah Ander Herrera oo ay xor ku heleen.
Kooxda chelsea ee ku soo laabanaysa champions League iyada oo uu hogaaminayo Frank Lampard ayaa wayday Eden Hazard laakiin waxa ay wakhti horeba ku badaleen Christian Pulisic waxana ay sidoo kale si xor ah ula wareegeen xiddiga Mateo Kovacic