Sidee Ayuu Wakiilka Virgil van Dijk Ugu Jawaabay Barcelona Markii Ay Xiiso U Muujisay Daafaca?


Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa daafaca kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Holland ee Virgil van Dijk xilli ay suuqa ugu jiraan daafac dhexe oo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.
Barcelona ayaa wakiilka Virgil van Dijk wax ka waydiisay in uu xiddigu ku biiri karo kooxdooda xagaagan sida uu sheegay saxafi u shaqeeya wargayska Mirror
Daafaca reer Holland ayaa Liverpool ugu soo biiray 75 milyan oo euro suuqii Janaury ee 2018 isaga oo kooxda Liverpool ka caawiyay in ay noqoto daafaca ugu fiican yurub.
Xiddiga ayaa Reds ka caawiyay in ay ku guulasytato champions League markii 6-aad ee taariikdooda kadib markii ay garaaceen kooxda Tottenham isaga oo haatan u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or.
Saxafiga Mirror Sport ee John Cross ayaa shaaca ka qaaday in ay Barcelona la xidhiidhay Wakiilka Virgil Van Dijk si ay wax uga waydiiso in uu ku biiri karo kooxdooda xagaagan.
Ma filayo in ay haatan dhici karto laakiin Barcelona ayaa Van Dijk wax ka waydiisay in uu ka tagi karo Liverpool ayuu yidhi.
Laakiin wakiilka xiddiga ayaa jawaab deg-deg ah siiyay iyaga oo u sheegay in ayna waxba isku daalin arintaas.