TODOBA Xiddig Oo Isaga Tagi Kara Barcelona Xagaagan.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaan doonayn in uu tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ku soo laabto iyada oo ay kooxda joogaan xiddigaha aan ka midka ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.
Sidaas darteed waxa uu maamulka kooxda u sheegay in ay wax walba u sameeyaan sidii ay kooxda uga diri lahaayeen xiddigaha aan ka midka ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.
Waxa jira saddex xiddig oo ay hubaal tahay in ay isaga tagi doonaan kooxda Barcelona xagaagan kuwaas oo kala ah  Rafinha Alcántara, Malcom Iyo Jean-Clair Todibo.
Barcelona ayaa diyaar u ah in ay amaah ku dirto xiddiga daafaca ah ee ean-Clair Todibo si uu xilli ciyaareedka dambe u helo koox uu kulamo badan u ciyaaro ugana helo khibrad fiican.
Dhanka kale xiddigaha Rfinha iyo Malcom ayaa isaga tagi doona kooxda iyaga oo lala xiriirinayo kooxda Valencia kuwaas oo doonaya Rafinha halka ay Malcom ku tartamayaan kooxaha Arsenal iyo Everton.
Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Philippe Coutinho, Nelson Semedo, Ousmane Dembélé & Ivan Rakitic taas oo noqon doonta heshiisyo aad u adag.