Waa Maxay sababta uu Zinedine Zidane uga tagay xerada tababarka Real Madrid ee Canada? Maxaase dib ugu celiyay Spain?
Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa isaga tagay xerada tababarka kooxda kadib markii ay arrimo shaqsi ah oo aan la carabaabin soo food saareen.
Ciyaartoyda Los Blancos ayaa ku sugan magaalada Montreal ee wadanka Canada, halkaas oo ay ku sameynayaan tababar ay ugu diyaar garoobayaan fasalka ciyaareedka dhawaan bilaaban doona.
Sida lagu qoray shabakadda Marca, Zidane ayaa isaga tagay xerada tababarka isagoo dib ugu laabtay wadanka Spain maadaama ay ku yimaadeen arrimo u gaar ah, kaliya waa hadalkii uu u sheegay maamulka kooxda, walow aan wali la ogaan sababta dhabta ah.
Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda boqortooyada, wuxuuna doonayaa inuu fasal ciyaareedkaan wacdaro ka dhigo qaaradda yurub.
Macalinkaan durba saxiixyo badan ayuu sameeyay, walina suuqa kama aysan bixin kooxdiisa, kaliya Paul Pogba & Eriksen ayey doonayaan iney lasoo saxiixdaan ka hor inta uusan suuqa xirmin