Waa Maxay Sababta Xeer Champions League Ah Uu Arsenal Ugu Diidayo Saxiixa Xiddigaha Lucas Vazquez & Mariano?

Xeer champions League ah ayaa kooxda Arsenal u diidi kara saxiixa xiddigaha kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez & Marian Diaz.
Xiddigaha Real Madrid ayaa lala xiriirinayaa kooxda Arsenal si ay Unai Emery ugula biiraan kooxda ku ciyaarta Emirates.
Gunners ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay xiddiga Lucas Vazquez halka ay sidoo Kale Real Madrid u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Mariano Diaz.
Laakiin Los Blancos ayaa haatan fikir kale ka yeelatay in ay Gunners ka iibiso labada xiddig ee ku soo koray kooxda Real Madrid.
Champions League ayaa loo baahan yahay in ay koox kasta haysato 8 xiddig oo ku soo koray Spain iyada oo waliba 4 ka mid ah loo baahan yahay in ay ka soo bexeen Akademiyada kooxda.
Waxa sidoo kale loo baahan yahay in ay xiddigahaas kooxda ku soo qaataan 3 sano inta u dhexaysay da,da 15 iyo 21 jirka.
Sidaas darteed kooxda ayaa u baahan xiddigaha Vasquez iyo Mariano kuwaas oo ah kuwo buuxinaya xeerka champions League marka lagu daro xiddigaha kale ee Dani Carvajal & Nacho Fernandez.