WARBIXIN: TOBANKA Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa sii xoogaysanaya iyada oo haatanba xiddigo cusub ku biireen Liiska xiddigaha ugu qaalisan suuqa kala iibsga kadib markii xiddigaha Eden Hazard, Joao Felix iyo Antoine Griezmann Kor u dhaafeen 100 Milyan.
Ku biirista Antoine Griezmann ee Barcelona ayaa la macno ah in ay Barcelona 4 xiddig ku leedahay 10-ka saxiix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kuwaas oo kala ah Philippe Coutinho, Ousmane Dembele, Antoine Griezmann Iyo Neymar markii uu xagaagii 2013 ku soo biiray kooxda Barcelona.
Xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ayaa ah Neymar kaas oo xagaagii 2017 222 milyan euro ugu biiray kooxda PSG halka ay kooxda PSG baanka u jabisay isla xagaagaas xiddiga Kylian Mabppe iyada oo ka bixisay lacag dhan 180 milyan oo euro.
Xiddiga Cristiano Ronaldo oo xagaagii hore 112 milyan oo euro ugu biiray kooxda Juventus ayaa dib ugu dhacay kaalinta 6-aad ee xiddigaha ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.
Kadib Dembele oo kaalinta 7-aad ku jira waxa ku xiga Paul Pogba kaas oo qiimihiisu kor u kici doono hadii uu Real Madrid ku biiro suuqa xagaagan.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga: