Wargeyska De Telegraaf oo banaanka soo dhigay xogtii ugu dambeysay arrinta Matthijs de Ligt & kooxda ku dhaw saxiixiisa
Wargeyska De Telegraaf ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay hormar la taaban karo ka sameysay arrinta Matthijs de Ligt maadaama ay 75 Malyan oo Yuuro kula heshiiyeen kooxda Ajax, sidoo kalana filashadu ay tahay in la dhameeyo maalmaha soo aadan.
Sida la fahamsan yahay howsha hadda waxey mareysaa meel dhamaad ah, wakiilada labada kooxood iyo sidoo kale Mino Riola ayaa looga fadhiyaa iney dhameeyaan waxyaabaha yar ee haray.
Sidoo kale waxaaba jira warar goor sii horreysay ay tabiyeen saxaafadda talyaaniga oo dhigaya in De Ligt uu sii doortay xirashada lambarka 4-aad ee kooxda.
Daafacaan tayada wanaagsan ee aadka loo amaanay ayaa 20-jirsan doona bisha soo socota, isbuucyo ka hor ayuuna heshiiska shaqsiga ah la gaaray Bianconerri.
12 Malyan oo Yuuro ayuu qaadan doonaa fasal ciyaareedkii oo la raaciyay lacago gunno ah, sidoo kale meesha kama marna in lacago badan lagu xiri doono heshiiskiisa.
Waxaa la qiyaasayaa in Isniinta lagu dhawaaqi doono, Riola iyo De Ligt waxey sugayaan kaliya in fasax la siiyo si ay ugu duulaan Turin si wadajir ah isla markaana heshiiska u dhameystiraan.