Xilliga Juventus Ay Ku Dhawaaqeyso Saxiixa De Ligt Oo La Ogaaday , Labaa Koox Wax Waliba Waa Ka Hishiiyeen

Saxaafadda Italy ayaa qoreysa in De Ligt uu ku dhaw yahay in uu u wareego Juventus ka dib markii kooxdiisa Ajax iyo Juve ka hishiiyeen arimaha maaliyadda .
Juve oo horay looga diiday dalab gaarayay 50 milyan oo euro ayaa haatan ku qancisay Ajax aduun dhan 67 milyan oo ay ku helayaan daafacaas da`da yarCorriere dello Sport ayaa sheegeysa in hishiiska De Ligt lagu dhawaaqayo maanta ama beri si daafacaas ula lug helo tababarka Juve ee ay ugu diyaar garoobayaan xili ciyaareedka bilaabanaya .
De Ligt ayaa ku laabtay tababarka Ajax inkastoo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore uu sheegay in uu baxayo .
Corriere dello Sport waxa ay intaas ku dareysaa in De Ligt uu macsalaameeyay saaxibadiisa kooxda uuna ka qeyb galeyn tababarka beri oo sabti ah balse taasi badalkeeda uu u duulayo Italy si tijaabada caafimaadka uu ugu maro Juventus .
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Juve ay ka saxiixnayaan daafacaas reer Holland hishiis gaaraya muddo 5 sano ah