Miyuu Sergio Ramos Ciyaari Doonaa Kulanka El Clasico Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Cadiz? Wargayska Mundo Deportivo Ayaa Ka Jawaabay.
Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday fursadaha daafaca Sergio Ramos ee ka qayb qaadashada kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaari doonaan Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa 24 bishan marti galin doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Laakiin taageerayaasha real Madrid ayuu wal-wal soo food saaray kadib dhaawacii Sergio Ramos ka soo gaadhay kulankii Cadiz ee horyaalka La Liga.
Kabtanka Los Blancos ayaa la sheegayaa in uu maray baadhitaan si loo ogaado xaaladiisa waxana la xaqiijiyay in uuna dhaawaca soo gaadhay ee jilibka ah ahayn mid halis ah.
Sidaas darteed Wargayska ayaa sheegaya in uu Ramos qaadan doono daawayn Isniinta iyo salaasada si uu taam ugu noqdo kulanka champions league.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu kabtanka Los Blancos taam buuxa u noqon doono kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga ee todobaadka dambe.

Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada