Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigi doonto ugu yaraan 7 xiddig marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Red Devils ayaa la filayaa in ay dib u soo cusboonaysiiso baacsiga ay ugu jirtay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Jadon Sancho xilli ay sidoo kale suuqa u gali doonto daafac dhexe suuqa xagaaga.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaa marka hore ku qasban in ay iska iibiso xiddigo ka hor inta ayna la soo saxiixan xiddigo cusub waxana ay Man United suuqa dhigaysaa 7 xiddig.
Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United suuqa dhigayso xiddigaha Jesse Lingard, Donny van de Beek, Phil Jones, Diogo Dalot, Andreas Pereira, Tahith Chong & Brandon Williams si ay u hesho lacag ay suuqa ku gasho.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay Xiddigaha Edinson Cavani, Juan Mata, Sergio Romero iyo Lee Grant isaga tagi karaan kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskooda kooxdu.

Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada