SAWIRKA Dhibaatada Ku Noqonaya Heshiiska Real Madrid Iyo Kylian Mbappe

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay la saxeexan doonto weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo xor ka noqon doona kooxdiisa xagaaga, hase yeeshee waxa jirta caqabad ay waajahayso Los Blancos.

Kylian Mbappe ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa inkasta oo uu xagaagii si cad warbaahinta ugu sheegay inuu doonayay inuu ka tago oo uu u ciyaaro Real Madrid.


Florentino Perez ayaa laga doonayaa inuu ka shaqeeyo sidii uu Mbappe ugu qancin lahaa inuu soo afjaro waayihiisan Faransiiska oo uu yimaaddo Santiago Bernabeu, waxa se uu u baahanayaa inuu sidoo kale la hadlo qoyska laacibkan oo door muhiim ah ku leh go’aannada uu qaato 23 jirkani.

Caqabad kale oo weyn ayay Real Madrid waajahaysaa si ay u hesho Mbappe, waana arrin la xidhiidha heshiiska labada dhinac iyo xuquuqda sawirka ee xiddigani uu doonayo inuu wada yeesho.

Real Madrid ayaa caadiyan waxay yeelataa 50% ama kala-badh xuquuqda sawirka ee ciyaarteeda, hase yeeshee, Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu intaa in ka badan yeesho, taas oo ka hor imanaysa siyaasaddii kooxda ee qarniga iyo dheeraadka la ilaalinayay.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Kylian Mbappe oo hadda ka qaata 21 milyan oo Euro sannadkii kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa iska diiday heshiis cusub oo laba sannadood ah oo ay kooxdaasi u bandhigtay oo mushaharkiisa sannadlaha ah ka dhigaysay 25 milyan oo Euro,.

Los Blancos ayaa arrintaas u aragta fursad kale iyadoo Mbappe go’aankiisa caddayn doono bisha March marka ay lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ku kala baxaan Real Madrid.

Perez ayaa uu wargeysku sheegay, inuu diyaar ula yahay Mbappe 25 milyan oo Euro oo mushahar ah iyo inuu kala-badh qaato xuquuqda sawirka.

Mbappe ayaa waxa uu hore heshiisyo uu lacag badan ku qaadanayo kula jirayshirkadaha Nike iyo EA Sport ama ciyaar-gacmeedka FIFA. Waxa kale oo uu heshiis kula jiraa shirkadda soo saarta cuntooyinka carruurta ee Good Gout oo uu sannadkii 2020 ka qaatay 18 milyan oo Euro. Sidoo kale waxa jira shirkado laga leeyahay Japan iyo Switzerland oo uu iyagana kula  jiro heshiisyo uu ugu xayaysiiyo waxsoo-saarkooda.




Comments