Arsenal, Man City Mise Liverpool? Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League.

Jose Mourinho ayaa hoos u dhigay rajada Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka xili ciyaareedkan wuxuuna wali dareensan yahay in Manchester City ay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guulaysan karta koobka.

Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka saraysa kooxda Liverpool ee ku jirta kaalinta 2-aad halka ay Man City 5 dhibcood ka hoosayso Arsenal.

Gunners ayaa 5 dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka markii ugu dambaysay ee ay Man City ku guulaystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore laakiin kulamadii ugu dambeeyay ayay Arsenal bur-burtay.

Mourinho ayaa aaminsan in awooda kooxeed ee Man City ay ka caawinayso in ay ku guulaysato horyaalka halka ay Arsenal ayna haysan awoodaas kooxeed.

Markii la weydiiyay Tababarihii hore ee Man United kooxda ku guulaysan doonta premier League ayuu Mourinho yidhi”Man City 51% iyo Liverpool 49%”.

Markii la waydiiyay in hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal ay ku guulaysan karaan horyaalka”ayuu Mourinho yidhi”Maya”.