Casemiro Oo Dalab Rasmi Ah Ka Helay Koox Ka Ciyaarta Horyaalka Sucuudiga

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Casemiro ayaa lagu soo waramayaa in uu helay dalab uu ugu biirayo Saudi Pro League.

Ka dib markii uu ka yimid Real Madrid xagaagii 2022, Casemiro wuxuu si dhakhso ah u noqday xiddig muhiim u ah kooxda Erik Ten Hag.

Si kasta ha ahaatee xilli ciyaareedkan Casemiro ayaa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka sidoo kale waxa uu la dhibaatoonayaa dhaawacyo.

Ka hor intii uuna dhaawacmin, Casemiro ayaa 12 kulan oo kaliya ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo dhaleecayn kala kulmay.

Inkasta oo uu qandaraaskiisu dhacayo ilaa June 2026, haddana waxa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalka fog ee ciyaartoyga ee kooxda.

Sida laga soo xigtay Marca, 31-sano jirkaan ayaa haatanba helay dalab uga imanaya horyaalka sucuudiga ka hor suuqa January.

Comments