Casemiro ayaa si dhab ah Uga fikiraya in uu aqbalo dalab waali ah oo uga yimid horyaalka sucuudiga inkasta oo ayna Man United ku qasbanayn in ay iska iibiyaan xiddiga khadka dhexe.
31-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday qaab ciyaareedkiisa iyo taam ahaanshihiisa xilli ciyaareedkan, isagoo seegay 13-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan sababo la xiriira dhaawac canqowga ah oo soo gaadhay.
Casemiro ayaa todobaadkii hore lagu arkay isaga oo ku soo laabtay tababarka kaliga ah waxana la filayaa in uu ciyaaro kulamada sanadka cusub.
Laakiin lama oga in uu u ciyaari doono Man United iyo in kale iyada oo kooxaha sucuudigu isku dayayaan in ay lacag waali ah ku keenaan horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay Marca, Casemiro ayaa dalab aad u muhiimsan ka helay sucuudiga waxana uu haatan ka fikirayaa in uu aqbalo dalabkaas.
Casemiro ayaa diyaar u ah in uu badalo jawiga waxana uu doonayaa in uu isaga tago Man United suuqa January.
Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada