Erik Ten Hag Oo U Jawaabay Virgil Van Dijk Kadib Dhaleecayntii Kabtanka Liverpool Ee Kadib Kulankii Anfield.

Erik ten Hag ayaa meesha ka saaray dhaleeceynta Virgil van Dijk ee ku aadan qaab ciyaareedka Manchester United ee kulankii Liverpool, isagoo sheegay in ay kooxdiisu heshay fursadaha ugu fiican ee ay ku badin karto kulanka.

United ayaa heshay dhibic ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay la gashay Liverpool taasoo soo afjartay rikoor 100% ah ee Liverpool xilli ciyaareedkan ee garoonkeeda.

Liverpool ayaa heshay fursadaha ugu badan laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca United waxana ay keentay dhaleecayn uu u soo jeediyay Van Dijk kadib dhamaadka ciyaarta.

Ten Hag ayaa wax laga waydiiyay dhaleeceynta van Dijk shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

 Waa ra’yigiisa,ayuu yiri  Ten Hag  markii lagu wargeliyay faallooyinka van Dijk  Waxa ay ahayd in aan kubada in badan helno oo aan isku dhiibno baas 3 ama 4 jeer waxana aan awood u lahayn in aan dhaawacno Liverpool. Laakiin ugu dambayn waa in aad qirato in aan helnay fursadaha ugu fiican ee kulanka”ayuu sii raaciyay.

Comments