Granit Xhaka Oo Kashifay Sir Ku Saabsan Qaabkii Uu Ugu Dhawaaday In Uu Uga Tago Arsenal

Granit Xhaka ayaa daaha ka qaaday in lagu qasbay in uu ka tago kooxda Arsenal suuqii xagaaga ka hor inta uusan u wareegin Leverkusen. Kahor imaatinka Mikel Arteta ee Gunners-ka, xiddiga ayaa ahaa xiddig kala qaybiyay fikradaha taageerayaasha Arsenal iyada oo xiddigu sabab u ahaa in ay kooxdu dhibco badan lumiso. Xiddia khadka dhexe ayaa ku dhawaa in uu ka tago kooxda Arsenal ka hor intii uuna Mikel Arteta badalin fikirka xiddiga kuna sii hayn kooxda xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.


Kooxdu waxa ay ii muujisay Ixtiraam yar inkasta oo aan ahaa kabtanka kooxda, waxa iska cadayd in ay doonayeen in ay iga diraan kooxda sida ugu dhakhsaha badan marka laga reebo hal qof waana Mikel Arteta”ayuu Xhaka yidhi. Markii aan la kulmay markii ugu horaysay, boorsooyinkaygu Diyaar ayay ii ahaayeen waxana aan isku diyaarinayay in aan diyaarada raaco laakiin Mikel Arteta ayaa ii sheegay in uu doonayo in aan sii joogo laakiin arintaas ma hubin”.

Marna ma sawiran in aan u ciyaaro Arsenal mar kale, waxa aan u sheegay Arteta in aan doonayo in aan aado meel aanay taageerayaashu igu orinayn laakiin wuu i qanciyay waxana aan qaatay go’aanka ah in aan sii joogo”ayuu sii raaciyay


Comments