Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddigaha Ryan Gravenberch, Alexis Mac Allister & Diogo Jota ay dhamaantood taam u noqon doonaan kulanka ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan Arsenal.
Liverpool ayaa Arsenal la ciyaari doonta Kulan adag oo ka tirsan premier League iyada oo labada kooxood ku tartamayaan kaalinta 1-aad ee horyaalka.
Xiddiga Ryan Gravenberch ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool la ciyaartay Man United Axadii hore kulan ka tirsanaa premier League.
Dhinaca kale xiddigaha Alexis Mac Allister & Diogo Jota ayaa dhaawac uga maqnaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay kooxdu. Laakiin Liverpool ayaa xaqiijisay in ay 3-da xiddig ku soo laabteen tababarka ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.
Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool kuwaas oo u baahan in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka premier League.
Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada