Ma Ahan Arsenal Iyo Liverpool, Sergio Aguero Oo Magacaabay Kooxda Halista Ku Ah Difaacashada Man City ee Premier League.

Halyeeyga kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa si la yaab leh u sheegay in Manchester United ay wali u tartamayso hanashada horyaalka Premier League.

Tartanka hotryaalka premier League ayaa u muuqda mid furan iyada oo ay 6 dhibcood oo kaliya u dhexayso kooxaha Arsenal, Liverpool, Aston Villa, City & Tottenham kadib 17 kulan oo la ciyaaray.

Waxa si weyn loo filayay in ay Arsneal iyo Liverpool kooxda Man City kula tartamaan horyaalka laakiin qaab ciyaareedka fiican ee Aston Villa iyo Tottenham ayaa horyaalka ka dhigay mid aan la saadaalin karin.

Si kasta ha ahaatee ma jirto cid Man United u saadaalinaysa ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka la eego qaab ciyaareedkooda liita.

Laakiin Aguero ayaan meesha ka saarin kooxda Erik Ten Hag waxana uu yidhi”Marna ma dhayalsan kartid Man United xilli ciyaareedkan”.

Iyaga ayaa ah halista ugu badan ee ku guulaysiga Man City ee horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Comments