Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Fluminense André ayaa ka hadlay xiisaha uga imanaya kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.
Xiddiga reer Brazil ayaa si dhaw uga hadlay xiisaha kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo xiiso u qaba saxiixiisa.
Xiddiga Fluminense oo kooxdiisa la gaadhay final-ka tartanka Club World cup-ka ayaa si gaar ah uga hadlay labada kooxood ee reer Spain. Andre ayaa si cad u sheegay kooxda uu jeclaan lahaa in uu ku biiro kooxda Kooxda Barcelona halkii uu ku biiri lahaa kooxda Real Madrid. Xiddiga khadka dhexe ayaa wax laga waydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa in uu ku biiro ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga January. “Waa hubaal in Barcelona iyo Real Madrid ay yihiin laba kooxood oo waaweyn – laakiin waxaan dooran lahaa in aan ku biiro Barcelona”ayuu Andre yidhi.
Andre ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Liverpool suuqii xagaaga iyaga oo doonayay in uu ku xoojiyo khadka dhexe.
Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada