Shaxda Ay Man City Kaga Hor Tagi Karto Urawa Red Diamonds Semi-final Club World Cup

Kooxda Man City ayaa caawa ciyaari doonta kulankeedii ugu horeeyay ee tartanka Club World Cup kaas oo ka socda dalka Sucuudiga.

Kooxda ku guulaystay champions League ee Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Urawa Red Diamonds kulan Semi-final-ka tartanka.

Guardiola ayaa doonaya in uu guul gaadho si uu kooxdiisa ugu hogaamiyo Final-ka tartanka Club World Cup City ayaa ku jirta natiijooyin xun kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen waxana ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha. Kooxda Guardiola ayaa doonaysa in ay badiyaan waxana la filayaa in ay shax adag ku soo galaan si ay u badiyaan kulanka.

Kooxda Man City ayaa haatanba og kooxda ay la ciyaari doonto final-ka tartanka hadii ay ka badiso kooxda Urawa Red Diamonds.


Comments