Barcelona ayaa qorsheyneysa inay sii haysato tababare Xavi iyaga oo aan eegin guuldaradii kooxda ka soo gaadhay Real Madrid kulankii El Clasico, markii seddexaad muddo sideed bilood ah.
Sida laga soo xigtay Diario Sport, Barcelona ayaan tababaraha kala hadli doonin mustaqbalkiisa maadama ay si buuxda ugu kalsoon yihiin.
Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in ay maamulka kooxdu ku kalsoon yihiin tababaraha.
Xavi ayaa kadib guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay kooxdiisa la waydiiyay hadii uu ka cabsanayo in la caydhiyo”ma doonayo in ka fikiro arimahaas”.
Kooxda Barcelona ayaa wali u tartamaysa koobabka Copa del Rey, Champions League iyo waliba horyaalka La Liga.
Comments
Post a Comment
ka dhiibo fikirkaada