Chelsea Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Karim Benzema.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaa lagu qasbay inay ka fiirsato suurtogalnimada inay weeraryahan cusub amaah kula soo wareegto bisha January.

Blues ayaa isku dayaysa inay ogaato inay suurtogal tahay inay la soo wareegto midkood Karim Benzema ama Roberto Firmino muddo gaaban ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca weerarka xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigaha weerarka uga ciyaara ay ku fashilmeen in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan.

Benzema ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Al-Itixaad oo uu ku laabto yurub xilli ciyaareedka waxana uu xiiso ka helayaa kooxda chelsea.

Firmino ayaa sidoo kale ku dhibaatoonaya horyaalka sucuudiga waxana uu doonayaa in uu isaga tago kuna laabto qaarada yurub.

Comments