Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Xaflada The Best Ee Maanta La Qaban Doono.


Waxa maanta oo isniin ah la qaban doonaa Xaflada Abaalmarinta “The Best” ee sanadka 2023 iyada oo lagu dooran doona xiddiga ugu fiican sanadka.

Xaflada waxa ay ka dhici doontaa magaalada London ee dalka England waxana la bixin doonaa abaalmarino oo kala duwan.

Abaalmarinta ugu weyn ee laga bixin doono waxa ka mid ah abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka, tababaraha ugu fiican adduunka, Goolhayaha ugu fiican iyo waliba goolka ugu fiican.

Xiddiga Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta sanadkii 2023 waxana uu ku garaacay xiddigaha Mbappe iyo Haaland.

Dhinaca kale Guardiola ayaa ka mid ah tababarayaasha u tababaraya tababaraha ugu fiican.

Wakhtiga la qaban doono xaflada:

Xaflada lagu bixin doono abaalmarinta ayaa dhici doonta 10:30 Habeenimo ee dalka Somaliya iyada oo ay xaflada ka qayb gali doonaan xiddigo badna.


Comments